Sarkaal Al-shabab ah oo isu soo dhiibey ciidanka Jubaland

Image

August 12, 2015 (GO)- Sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey ciidamada Jubaland ee fadhigoodu yahay magaalada Baardheere.

Sarkaalka isa soo dhiibey oo lagu magacaabo Ciise Cabdi (Ilko-case) wuxuu Al-shabaab ugu qaybsanaa dhanka soo ururinta zakawaatka.

Faarax Cabdi Casharo oo kamid ah saraakiisha ammaanka ee maamulka Jubaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ninkaasi xilligan gacantooda ku jiro, isagoo intaas raaciyey in markii uu isa soo dhiibayey keligiis ahaa balse uu watey qori noociisu yahay AK47.

Casharo oo wax laga weydiiyey qaabka ay ku suuragashay in sarkaalka horay uga tirsanaa Al-shabaab kusoo gaaro Baardheere, wuxuu sheegay in uu xiriiro badan badan lasoo sameeyey laamaha ammaanka lagana war qabey imaanshihiisa.

Ma ahan markii ugu horreysey ee saraakiil Al-shabaab ka tirsani isu soo dhiibaan ciidamada ammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM