Sarkaal Al-shabab ah oo isu soo dhiibey ciidanka Jubaland

Image

August 12, 2015 (GO)- Sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey ciidamada Jubaland ee fadhigoodu yahay magaalada Baardheere.

Sarkaalka isa soo dhiibey oo lagu magacaabo Ciise Cabdi (Ilko-case) wuxuu Al-shabaab ugu qaybsanaa dhanka soo ururinta zakawaatka.

Faarax Cabdi Casharo oo kamid ah saraakiisha ammaanka ee maamulka Jubaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ninkaasi xilligan gacantooda ku jiro, isagoo intaas raaciyey in markii uu isa soo dhiibayey keligiis ahaa balse uu watey qori noociisu yahay AK47.

Casharo oo wax laga weydiiyey qaabka ay ku suuragashay in sarkaalka horay uga tirsanaa Al-shabaab kusoo gaaro Baardheere, wuxuu sheegay in uu xiriiro badan badan lasoo sameeyey laamaha ammaanka lagana war qabey imaanshihiisa.

Ma ahan markii ugu horreysey ee saraakiil Al-shabaab ka tirsani isu soo dhiibaan ciidamada ammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM