Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ciidamada DF isu soo dhiibey

Image

March 7, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Galguduud.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Maxamed wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo rakibista walxaha qarxa.

Mahad Khaliif Rooble oo ah madaxa amniga gobolka Galguduud ayaa xaqiijiyey in ninkaasi isu soo dhiibey ciidamada dowladda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in si weyn loo soo dhoweeyey suuragalna ay tahay in maalmaha soo socda loo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

Tirada Saraakiisha Al-shabaab ee isu soo dhiibaya ciidamada dowladda ayaa korortey laga soo bilaabo markii dowladdu cafiska u ballan qaadey xubnaha kooxdaas isaga soo baxaya.

Bishii December ee lasoo dhaafay waxaa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ah sarkaal xilal badan oo muhiim ah kasoo qabtey Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM