Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ciidamada DF isu soo dhiibey

Image

March 7, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Galguduud.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Maxamed wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo rakibista walxaha qarxa.

Mahad Khaliif Rooble oo ah madaxa amniga gobolka Galguduud ayaa xaqiijiyey in ninkaasi isu soo dhiibey ciidamada dowladda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in si weyn loo soo dhoweeyey suuragalna ay tahay in maalmaha soo socda loo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

Tirada Saraakiisha Al-shabaab ee isu soo dhiibaya ciidamada dowladda ayaa korortey laga soo bilaabo markii dowladdu cafiska u ballan qaadey xubnaha kooxdaas isaga soo baxaya.

Bishii December ee lasoo dhaafay waxaa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ah sarkaal xilal badan oo muhiim ah kasoo qabtey Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM