Sarkaal ka tirsan sirdoonka DF oo Muqdisho lagu qarxiyey

Image

July 5, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan ha’yadda Nabadsugidda Qaranka ayaa si xun ugu dhaawacmay inta la ogyahay qarax ka dhacay degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir, Qaraxaas oo ahaa mid lagu xiray gaari uu Sarkaalkaan watay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Barxadda Shineemo Afrika ee Degmada Xamar Jajab, iyadoo uu burbur xoggan gaaray gaarigii uu sarkaalku watay oo noociisu ahaa NOAH, illaa haddana lama oga cidda ka dambeysa weerarkan.

Dhaawaca sarkaalka ka tirsan hay’ada Nabadsugidda Qaranka oo lagu magacaabo, C/casiis C/qaadir Xabiib Muunye ayaa loola cararay isbitaalka si loogu daweeyo, iyadoo dad goob-joogayaal ah ay sheegeen in qaraxu ahaa mid xooggan.

“Sarkaalka Nabadsugidda ka tirsan si xun ayuu u dhaawacmay, dhaawiciisuna Wuxuu ahaa mid u badan dhanka hoose ee jirka, ciidammo kale ayaana isbitaalka ula cararay,” ayuu yiri goob-jooge ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa warbixin ay barta Twitter-ka ay ku leedahay soo dhigtay ayay ku sheegtay in sarkaalka la weeraray uusan iyaga ka mid ahayn, iyadoo xustay in loo maleynayo inuu ka mid yahay shaqaalaha hay'adaha samafalka ee ka howlgala Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa sarkaalkan iyo iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli tan iyo markii ay billaabatay bishan Ramadaan ay qaybo ka mid ah dalka ka dhacayeen iska-horimaadyo kala duwan iyo qaraxyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM