​Sarkaal katirsan Shabaab oo lagu qabtay dagaalkii Bariire

Image

MUQDISHU- Ciidamada kumaandoosta Somalia oo kaalinayaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa kasocda dalka Maraykan-ka ayaa maanta weeraro xooggan ka gaystay deegaanka Bariire oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan oo lala beegsaday saldhigyo mallayshiyada Shabaab ku leeyihiin deegaankaas, ayaa loo adeegsaday diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxayna suuro galisay in goobtaasi laga saaro Shabaab.

Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay oo katirsan madaxtooyada Somalia, ayaa noo xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu soo furtay maxaabiis u xirnay kooxdaasi islamarkaana gacanta lagu dhigay horjooge aan la sheegin magaciisa.

Saraakiisha dowladda oo ka gaabsatay inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Dhinaca Al Shabaab war kasoo baxay, waxaa lagu xaqiijiyay weerarkaasi, balse waxay meesha ka saareen inuu jiro saldhiga laga wareegay iyo qabashada horjoogahaasi, waxayna tilmaameen inay iska difaaceen.

Dadka deegaanka oo qaybtood la hadlay warbaahinta gudaha, waxay sheegeen inay maqlayeen daryanka duqayn xooggan iyo rasaas la isweydaarsaday, waxayna xuseen in mallayshiyaadka Shabaab goobta ka baxsadeen.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay caawa dagantahay, laakiin dadkii daganaa ay isaga qaxeen.

Muddooyinkii dambe waxaa xooggaystay howlgallada wadajirka ah ee laga fulinayo gobolka Shabeellaha hoose, waxaana dagaalladaasi kaalin weyn ku leh dowladda Maraykanka oo ciidanka dowladda Somalia ku saacidaysa diyaarado iyo ciidamo gaashaaman.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM