​Sarkaal katirsan Shabaab oo lagu qabtay dagaalkii Bariire

Image

MUQDISHU- Ciidamada kumaandoosta Somalia oo kaalinayaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa kasocda dalka Maraykan-ka ayaa maanta weeraro xooggan ka gaystay deegaanka Bariire oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan oo lala beegsaday saldhigyo mallayshiyada Shabaab ku leeyihiin deegaankaas, ayaa loo adeegsaday diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxayna suuro galisay in goobtaasi laga saaro Shabaab.

Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay oo katirsan madaxtooyada Somalia, ayaa noo xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu soo furtay maxaabiis u xirnay kooxdaasi islamarkaana gacanta lagu dhigay horjooge aan la sheegin magaciisa.

Saraakiisha dowladda oo ka gaabsatay inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Dhinaca Al Shabaab war kasoo baxay, waxaa lagu xaqiijiyay weerarkaasi, balse waxay meesha ka saareen inuu jiro saldhiga laga wareegay iyo qabashada horjoogahaasi, waxayna tilmaameen inay iska difaaceen.

Dadka deegaanka oo qaybtood la hadlay warbaahinta gudaha, waxay sheegeen inay maqlayeen daryanka duqayn xooggan iyo rasaas la isweydaarsaday, waxayna xuseen in mallayshiyaadka Shabaab goobta ka baxsadeen.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay caawa dagantahay, laakiin dadkii daganaa ay isaga qaxeen.

Muddooyinkii dambe waxaa xooggaystay howlgallada wadajirka ah ee laga fulinayo gobolka Shabeellaha hoose, waxaana dagaalladaasi kaalin weyn ku leh dowladda Maraykanka oo ciidanka dowladda Somalia ku saacidaysa diyaarado iyo ciidamo gaashaaman.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM