Saxaafadda oo looga yeeray madaxtooyada Garowe

Image

May 2, 2015 (GO)- Saxaafadda ayaa saaka looga yeeray xarunta madaxtooyada ee Garowe halkaasoo la filayo in mar dhow ay si wadajir ah shir-saxaafadeed ugu qabtaan Madaxweyneyaasha Dowladda Federaalka, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda ayaa la filayaa inay ka hadlaan qodobadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray shirar gaar gaar ah oo saddexdii beri ee ugu dambeeyey Garowe ka socdey.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dhinacyadu gaareen heshiis dhowr qodob ka kooban.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan shirkaas jaraa'id iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM