Shabaab iyo shacab ku dagaallamay gobolka Hiiraan

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imanaya deegaanka Afcad oo dhowr iyo soddoon KM u jira degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray ururka Al-Shabab iyo dadka deegaanka. 

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii dadka deegaanku ay diideen inay bixiyaan zako la sheegay in ururka uu ka qaadi jiray.

Zakada Al-Shabaab ay dadka kusoo rogeen ayaa la sheegayaa inay tahay mid bil kasta ah, ayada oo qofkii leh 10 neef oo xoolo ah ay ka qaadi jireen hal neef, kii leh 20-na ay ka qaadi jiraan 3 neef.

Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, ayaa VOA u sheegay in afar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, tiro kalena looga dhaawacay.

Xigasho: VOA

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM