​Shabaab oo sheegatay dilka Askar katirsan AMISOM

Image

MAHADAAY, Somalia- Al Shabaab ayaa sheegtay in 7 Askari oo katirsanaa ciidamada Burundi, ee qeybta ka ah AMISOM ku dileen weerar ka dhacay duleedka degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka dhanka howlgallada Kooxda Al Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa xusay in weerarka uu ku billowday qarax wadada qarkeeda lagu aasay, kaasi oo lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamadaas.

Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay weerareen Kolonyo military oo ay ka socdeen AMISOM, xilli ay kasoo baxeen Biya Cadde, kuna sii jeedeen deegaanka Jahweyn, oo qiyaastii 8Km u jira degmada Mahadaay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dagaal qaatey ku dhawaad Hal saac, uu ku dhaxeymaray goobta uu weerarka qaraxa ka dhacay Dagaalyahanadooda iyo ciidamada AMISOM.

AMISOM kama aysan hadlin Weerarka iyo sheegashada Al shabaab ee ah inay dileen 7 Askari oo u dhashay dalka Burundi, oo kamid ahaa howlgalka Midowga Africa ee Somalia.

Al Shabaab, ayaa howlgalkoodii u weecisay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah, waxaana warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ay sheegtay inay halis ku tahay wali ammaanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM