​Shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen Darooniska wax basaasa

Image

MUQDISHU, Somaaliya- Ururka Al Shabaab ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan diyaarad kamid ah nooca loo yaqaano Drones-ka gaar ahaan kuwa wax basaasa ee kaamirooyinka lagu xiro, waxayna sheegeen inay kusoo dhacday deegaan lagu magacaabo Goobaalle oo katirsan Shabeellaha hoose.

Shabaab ayaa diyaaraddan gacanta ku dhigay xilli ay soo dhacday, waxaana qoraal ay ku daabaceen barahooda taageera ku caddeeyeen inay la wareegeen ciidamo iyo saraakiil katirsan kooxdaasi.

Waxay tilmaameen in diyaaraddan ay leedahay dowladda Maraykanka islamarkaana kasoo duushay garoonka diyaaradaha Balli doogle oo fariisin ku leeyihiin ciidamo katirsan xukuumadda Washington.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay Maraykan-ka iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya, taas oo ku aadan sheegashada Al Shabaab.

Arrintan, ayaa kusoo aaday xilli dhawr jeer oo hore weeraro loo adeegsaday Diyaarado aan duuliye wadan lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM