Shabeelaha Dhexe: Askar Lagu Diley Qarax Miino

Image

JOWHAR— Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in saaka qarax miino lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa garoonka diyaarahada magaalada Jowhar iyo deegaanka Buurane ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo midkood uu ahaa taliyahii ciidamada hogaaminaayay, 4 kalena waxaa ka soo gaaray dhaawac.

Ciidamada weerarka gaadmada ah lagu qaaday ayaa waxaa ay ku wajahnaayeen degaan lagu magacaabo Cali Fooldheere, halkaas oo lagu waday in ay ka soo qaadaan maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo habeen hore ay ciidamada dowlada ku qabteen dagaal ay Al-Shabab kula galeen degaanka Mahadey.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahii ugu dambeyay howlagallo ka waday qeybo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe.

VOA

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM