Shabeellada Dhexe: Amisom oo ka baxday Fiidow

Image

(VOA)-Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM ee ku sugnaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta deegaankaasi ka soo baxay, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Deegaankaasi, ayaa waxaa iminka lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin oo ay gacanta ku dhigeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) oo ah guddoomiyaha degmada Mahadaay oo uu hoosyimaado deegaanka Fiidow, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Amisom ay ka baqeen fatahaadda webiga Shabeelle, sidaasna ay uga soo baxeen deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabkii qabsaday deegaanka ay kaxeysteen saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka, halka dad bandanna ay kasoo carareen.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa warreystay gudodomiye Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare). Dhageyso

Xigasho:VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM