​Shacab iyo Shabaab ku dagaallamay Hiiraan

Image

BALADWEYNE, Somalia- Wararka ka imaanaya deegaanka Luuq Jeeloow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro gaystay kaasoo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab kuwaasoo muddo ku sugnaa halkaasi.

Iska hor-imaadka labada dhinac oo soo bilowday shalay ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay horjooge sare oo kooxdaasi u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka kaasoo magaciisa lagusoo koobay Maxamed Cali “Dhegaweyne”.

Waxaa horjoogahaasi lala dilay saddex kale oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhinaca dadka deegaanka soo gaaray.

Dagaalka labada dhinac ayaa bilowday kadib markii Al Shabaab deegaankaasi ku biraysay nabadoon caan ahaa.

Jeneraal Cumar Aadan Xasan “Cumar dheere” oo ka tirsan saraakiisha ciidanka XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dagaalkaasi oo soo billowday habeen hore uu socday shalay ilaa xalay, isagoo tilmaamay in dadka deegaanku ay ku guuleeysteen iney Shabaab ka saaraan deegaanka Luuq Jeeloow oo 20-km dhanka Galbeed kaga toosan magaalada Beledweyne.

Wuxuu intaasi raaciyay in shacabku ka awood roonaadeen kooxda Al Shabaab isagoo intaasi raaciyay in ciidamo katirsan kuwa Somalia iyo dadka deegaanku kawada shaqayn doonaan adkaynta nabad-galyada.

Xaaladda goobaha lagu dagallamay ayaa iminka dagan balse waxaa muuqata saan colaadeed oo labada dhinac u dhaxaysa.

Maaha markii ugu horraysay ee shacabku u istaagaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al Shabaab, waxaana taasi keentay markii ay waayeen doorkii dowladda islamarkaana si xowli ah u siyaaday dhibaatada ururkaasi.

Muddo kahor waxaa baraha Internetka lagu baahiyay 80 jir qori u qaatay sidii uu ula dagaallami lahaa ururka Al Shabaab isagoo mar uu la hadlay warbaahinta gudaha sheegay inaysan jirin wax kaalmo ah oo ay ka helaan dowladda Somalia kaasoo ku aadan dhinaca hubka iyo gaadiidka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM