7 ruux oo ku dhintay dagaal dhexmaray ciidanka dowladda Somalia

Image

16 November, 2015(GO)-Ciidamo ka tirsan dowladda Somalia ayaa maanta ku dagaallamay inta u dhaxaysa degmooyinka Hodon iyo Dayniile ee gobolka Banaadir halkaasi oo lagu bixinayay kaarar deeq lagu siin lahaa dad barakacayaal u badnaa haween.

Dagaalka ciidamada ku dhexmaray nawaaxiga Jaamacaddii hore ee Gahayr ayaa sababay dhimashada 7 ruux u badnaa haween barakacayaal ah iyo dhaawaca 19 qof oo ku jiraan ciidamada diriray.

Arrintan ayaa la sheegay inay timi ka dib ismaan dhaaf dhexmaray ciidanka oo ku aaddan habka loo bixinayo kaararka.

Xaaladda ayaa haatan dagan, ka dib markii goobta gaareen ciidamo ka tirsan dowladda iyo waxgarad, balse waxaa jira cabsi laga qabo inay dhacaan dilal kale.

Dhawr jeer oo hore deegaanka waxaa ka dhacay rabshado salka ku haya dhul iyo deeqo la qaybsanayay, taasi oo sababtay dhimashada dad shacab ah iyo barakac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM