​Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo gadood sameeyay

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qaar kamid ah shaqaalaha Madaarka diyaaradaha Muqdishu ee Somalia ayaa maanta sameeyay gadood ay kaga cabanayaan xuquuqo ka maqan, waxayna ku banaan baxeen afaafka hore ee Garoonka.

Dadka dibad-baxayay ayaa ka cabanaya mushahar ka maqan muddoo dhowr biloowd ah, waxayna warbaahinta gudaha u sheegeen inay jirto tacaddi ka haysta shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Waxay sheegeen in mudnaanta la siiyo Ajaanibka ka shaqeeya garoonka iyagoo xusay in xuquuqdoodii la siiyay dad shisheeyee, waxayna codsadeen in dowladdu ka shaqayso sidii ay u heli lahaayeen mushahaaraadka ka maqan.

Shaqaalaha dibad-baxay ayaa sidoo kale xusay inay howl galaan waqti badan islamarkaana ganaax adag la dul dhigo shakhsigii soo daaha iyagoo intaasi ku daray inaysay isku meel gali karin shaqo iyo mushahar la'aan.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale xusay inaysan jirin cadaalad dhinaca aqoonta ah, waxayna xuseen in qofka Jaamiciga ah iyo kan dugsiga sare ka baxay wada qaataan xuquuq siman taasoo ay walaac ka muujiyeen iyagoo ku baaqay in dadka kartidooda iyo heerkooda waxbarasho lagu kala saaro.

“Qofka heysta shahaado Jaamacadeed waxaa la siiyaa 3 boqol oo doolar, markii hore xuquuqda qofka sharciga u yaal ee shahaado jaamacadeed ka baxay waxaa mushaarkiisa ahaa 7 boqol, qofka dugsiga sare ka baxay waa 4 boqol, qof walba wixii la doona la siinayaa, xuquuqdeena cid ka hadleysa ma jirto,”Ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dibad baxayay.

Cabashadan ayaa timi xilli garoonka diyaaradaha Muqdishu gacanta ku hayso shirka Turkish ah taasoo lagu magacaabo Favori, waxaana gacanta loo galiyay kadib markii ay dayactir ku samaysay madaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM