​Shaqaale Turkiga u dhashay oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU- Weerar lagu qaaday gaari nooca loo yaqaano mini Bus ayaa lagu dilay lix ruux oo labo kamid ah u dhasheen dalka Turkiga, halka afarta kale Somali yihiin xilli ay marayeen xaafadda Taleex degmada Hodon ee magalada Muqdishu.

Waxaa sidoo kale dhaawac soo gaaray ilaa lix ruux oo kale kuwaasi oo mid kamid ah la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo dalka Kenya.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay isugu jireen dhaqatiir,kal-kaaliyaa, turjumaano iyo ilaalo.

Shaqaalaha la weeraray ayaa ka howl gali jirey Cusbitalka Turkiga ee Deva, waxaana falkani dhacay goor dambe maanta.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse waxaa la tilmaamay inay rasaasta dadkaasi lagu dilay katimi gaari yar oo wateen mallayshiyaad hubaysan oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan, hase ahaatee majirto cid toogashadaasi loo soo qabtay.

Maaha markii ugu horaysay shaqaale Turkish ah lagu dilo xarunta dalka Somalia, waxaana inta badan weerarada noocaan ah gaysata ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM