Shariif Xasan oo Madoobe Nuunow wasiir u soo magacaabey

Image

March 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha usoo magacaabey Madoobe Nuunow Maxamed.

Nuunow oo  horay mucaarad ugu ahaa maamulka Madaweyne Shariif wuxuu hoggaaminayey  garabkii maamulka lixda gobolka ee magaalada Baydhabo lagu dhisey.

Shariif Xasan oo ka hadlayey munaasabad Baydhabo ka dhacdey ayaa sheegay in tallaabadani cadeyn u tahay biseylka siyaasadeed ee siyaasiyiinta gobollada Koonfur Galbeed gaareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mustaqbalka dhow uu xil kan ka muhiimsan usoo magacaabi doono Madoobe Nuunow balse xilka hadda loo dhiibey yahay mid ku meel gaar ah.

Nuunow oo isna ka warbixiyey dareenkiisa ku aadadn xilkan, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay si weynna usoo dhoweynayo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamey inuu ka tanaasuley mucaaradnimadii hadda kadibna dowladda Shariifku hoggaamiyo si wacan ula shaqeyn doono.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhomeystirey golihiisa wasiirrada oo ka kooban 64 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM