Sharma'arke "xiriirka Somalia iyo Sweden wuu wanaagsan yahay"

Image

April 17, 2015 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare cumar ayaa sheegay in dalka Swden uu hoy u yahay kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ugu nool sida dalkoodii oo kale, iyagoo kaalin muuqata ka qaata taageerida qoysaskooda iyo saaxibadooda jooga Soomaaliya.

“Waxaan shalay la qaatay kulan miro dhal ah Safiirka Swden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxaana idiin xaqiijinayaa in xiriirka adag , uu ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Swden uu yahay mid adag, waxaan si qoto dheer u muujinayaa in Boqortooyada Swden ay la garab taagan tahay Soomaaliya taageero dhan kasta ah, kuna bixiso dhaqaale aad u balaaran dib u dhiska iyo dhismaha Hay’adaha dowalada, ayna ka taagan tahay kaalin muuqata muuqta kaalamada beesha caalamku siiso Soomaaliya” ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Cumar.

Isagoo hadalkiisa sii wada wuxuu intaas ku daray “Xiriirka labada dal wuxuu ku taarikhaysan yahay xiligii Soomaaliya xornimada qaadatay, wanaajinta xiriirka labada dal waxaa saldhig u ah ka wada shaqaynta nabada, xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya iyo kor u qaadida dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kala diimaha ah” ayuu yiri.

Dhowaan ayey ahayd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ka hadashay khilaafka diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Sucuudiga iyo dalka Sweden. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Sweden ku xadgudubtey xeerarka caalamiga hee diblumaasiyadda iyo madax bannaanida dalka Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Sheegay Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-Shabaab kadib weerarkii Godka Jilicow

Inkasta oo Wasiir Fiqi uu sawiray sawir rajo leh, haddana mucaaradka siyaasadeed ayaa hakiyay dibadbax ay qorsheynayeen.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 06:11AM

Jubaland oo si kulul u cambaareysay faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo

Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-10-2025

  • 08:32AM