Sharma'arke "xiriirka Somalia iyo Sweden wuu wanaagsan yahay"

Image

April 17, 2015 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare cumar ayaa sheegay in dalka Swden uu hoy u yahay kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ugu nool sida dalkoodii oo kale, iyagoo kaalin muuqata ka qaata taageerida qoysaskooda iyo saaxibadooda jooga Soomaaliya.

“Waxaan shalay la qaatay kulan miro dhal ah Safiirka Swden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxaana idiin xaqiijinayaa in xiriirka adag , uu ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Swden uu yahay mid adag, waxaan si qoto dheer u muujinayaa in Boqortooyada Swden ay la garab taagan tahay Soomaaliya taageero dhan kasta ah, kuna bixiso dhaqaale aad u balaaran dib u dhiska iyo dhismaha Hay’adaha dowalada, ayna ka taagan tahay kaalin muuqata muuqta kaalamada beesha caalamku siiso Soomaaliya” ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Cumar.

Isagoo hadalkiisa sii wada wuxuu intaas ku daray “Xiriirka labada dal wuxuu ku taarikhaysan yahay xiligii Soomaaliya xornimada qaadatay, wanaajinta xiriirka labada dal waxaa saldhig u ah ka wada shaqaynta nabada, xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya iyo kor u qaadida dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kala diimaha ah” ayuu yiri.

Dhowaan ayey ahayd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ka hadashay khilaafka diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Sucuudiga iyo dalka Sweden. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Sweden ku xadgudubtey xeerarka caalamiga hee diblumaasiyadda iyo madax bannaanida dalka Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM