Sheekh caan ahaa oo lagu dhex toogtey masjid Baydhabo ku yaal

Image

February 3, 2015 (GO)- Sheekh caan ahaa ayaa xalay lagu diley magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sheekha oo lagu magacaabi jirey Xuseen Xasan kana tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna, waxaa isaga oo salaada cishaha ku jira lagu dhex toogtey masjid ku dhow gurigiisa.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa inay sheekha dileen, iyagoo sidoo kale dhaawacay wiil uu dhalay oo markii weerarku dhacayey la joogey.

Af-hayeen u hadlay culimada Ahlu Sunna ee gobolka Bay laguna magacaabo Sheekh Isaaq Mursal Gees -Dheere, ayaa mas'uuliyada dilka sheekha dusha u saaray ururka Al-shabaab, isagoo ku goodiyey in loo aargudi doono.

Waa sheekhii labaad ee Ahlu Sunana ka tirsan oo muddo bil gudaheed ah lagu dilo magaalada Baydhabo.

Bishii hore ee January 18-keedii ayey ahayd markii Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

GAROWE ONLINE + VOA

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM