​Sheekh Shariif oo u sharaxan Madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd ee dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan madaxweynaha Somalia doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadkan 2016.

Sheekh Shariif oo xafladda shaacinta murashaxnimadiisa ah ku qabsaday magaalada Muqdishu, ayaa wuxuu sheegay inuu ahmiyadda siin doono dib u dhiska dalka iyo hormarinta dhaqaalaha hadii loo doorto hogaanka dalka Afarta sano ee soo socota.

Wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono dhanka ammaanka islamarkaana dhiirigalin doono in la manaafacaadsado khayraadka dalka ku jira.

Mahadcelin ballaaran ayuu usoo jeediyay dadka soo dhaweeyay markii uu Muqdishu yimid iyo kuwa kala soo qayb galay xafladdan.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynihii madasha joogay ee hadallada jeediyay, ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin is-sharaxidda Sheekh Shariif iyagoo tilmaamay inuu yahay hogaamiye ku haboon talada dalka, waxayna bogaadiyeen waxqabadkiisii.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Sheekh Shariif uu soo gaaray magaalada Muqdishu kadib Afar sano oo dalka ka maqnaa, wuxuuna kamid noqday murashaxiinta horay u shaaciyay inay u loollamayaan hogaaminta Somalia ilaa 2020.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM