Sheekh ka tirsanaa culimada Ahlu Sunna oo Baydhabo lagu diley

Image

February 14, 2015 (GO)- Sheekh caan ahaa oo ka tirsan culimada Ahlu Sunna ee gobolka Bay ayaa weeberigii saaka magaalada Baydhabo lagu diley.

Sheekha oo lagu magacaabi jirey Sheekh Aadan War-iisho wuxuu noqonayaa kii saddexaad ee muddo bil gudaheed ah Baydhabo lagu dilo.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa wejigana soo duubtey ayaa lagu soo waramayaa inay sheekha ku dileen meel u dhow gurigiisa xilli uu kasoo baxay masjid uu mua'ddin ka ahaa salaadii subaxa kusoo tukadey.

Lama oga cidda ka dambeysey dilka Sheekha, balse Af-hayeen u hadlay culimada Ahlu Sunna ee gobolka Bay  ayaa mas'uuliyada dilka  dusha u saaray ururka Al-shabaab.

January 18, 2015 ayey ahayd markii Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo. 

Sidoo kale waxaa February 3, 2015  isla Baydhabo lagu diley Sheekh Xuseen Xasan oo isna ka tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna kaasoo lagu dhex diley masjid xilli uu saalada cishaha ku jirey.

Saraakiil u hadlay laamaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay qabteen dhowr qof oo lala xiriirinayo dilka xalay Baydhabo ka dhacay welina ay baaritaan wadaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM