Shil 7 qof ku dhinteen oo duleedka Muqdisho ka dhacay

Image

October 20, 2014 (GO)- Shil gaari oo khasaare badan dhaliyey ayaa maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaariga shilka galay oo ahaa kuwa ciidamadu isticmaalaan ee Soomaalidu (Cabdi Bilaha) u taqaan, waxaa saarnaa askar ka tirsan ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online shilkaas iyo khasaaraha ka dhashay ka heleyso ayaa sheegay in 7 askari ku dhinteen lix kalena dhaawacyo kala duwani soo gaareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu culus tahay uu kamid yahay sawir-qaade ka tirsan telefishinka Horn Caple.

Gaariga rogmadey ayaa qayb ka ahaa kolonyo gaadiid ah oo kusii jeedey gobolka Shabeellada Dhexe islamarkaana ay la socdeen xubno ka tirsan guddi Dowlada Federaalku u saartay xalinta colaadda ka jirta gobolka.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan shilkaas iyo khasaaraha ka dhashay dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM