Shil 7 qof ku dhinteen oo duleedka Muqdisho ka dhacay

Image

October 20, 2014 (GO)- Shil gaari oo khasaare badan dhaliyey ayaa maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaariga shilka galay oo ahaa kuwa ciidamadu isticmaalaan ee Soomaalidu (Cabdi Bilaha) u taqaan, waxaa saarnaa askar ka tirsan ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online shilkaas iyo khasaaraha ka dhashay ka heleyso ayaa sheegay in 7 askari ku dhinteen lix kalena dhaawacyo kala duwani soo gaareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu culus tahay uu kamid yahay sawir-qaade ka tirsan telefishinka Horn Caple.

Gaariga rogmadey ayaa qayb ka ahaa kolonyo gaadiid ah oo kusii jeedey gobolka Shabeellada Dhexe islamarkaana ay la socdeen xubno ka tirsan guddi Dowlada Federaalku u saartay xalinta colaadda ka jirta gobolka.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan shilkaas iyo khasaaraha ka dhashay dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM