Shir ku saabsan Hiigsiga oo lagu qabanayo Kismaayo [Dhagayso]

Image

10 September, 2015(GO)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga iyo arrimaha gudaha Jubbaland Cabdinuur Jaamac Jookar oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in Kismayo taallo gogol loogu tala galay barnaamijka loogu magac darey New deal.

Jookar waxa uu tilmaamay in arrintani timi kadib markii DFS ku dhaqaaqday arrimo aan wafaqsanayn Dastuurka dalka oo sababtay inaysan ka qayb galin shir ka dhacay Muqdisho maamullada Puntland iyo Jubbaland kaasi oo ku saabsanaa barnamijka Hiigsiga cusub.

Dhinaac kale Agaasimaha ayaa sheegay in magalada Kismayo ka socoto qaban qaabada caleema saarka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

Ammaanka magalada Kismayo ayaa la adkeeyay iyadoo baaritaanno lagu sameynayo shacabka iyo guryahooda.

12 Sept,2015  ayaa qorshuhu yahay in caleema saarka Axmed Madoobe ka dhaco Kismayo waxaana ka qayb gali doona mas'uuliyiin ka socota DFS, maamullada dalka iyo xubno ka imaanaya IGAD iyo Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM