Shir looga hadlayo ciidan Bariga Afrika yeesho oo Jabuuti ka furmay

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Dalka Jabuuti, waxaa lagu qabtay kulan isugu yimaadeen dalalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaana looga hadlayaa sidii loo dhisi lahaa ciidan heeggan ah oo wadamada Bariga ku yaalla yeeshaan.

Ujeedka ciidamadan loo dhisayo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo heli lahaa ciidan diyaar ah oo ka hawl gala goobtii looga baahdo, kaasi oo ay ku midaysanyihiin wadamada Bariga ku yaalla.

Hawshan, waxaa taageeraya Midowga Africa, Midowga Yurub iyo dalal kale.

General Axmed Shekh Maxamud oo dowladda Somalia shirka uga qayb galay ayaa sheegay in qorshaha lagu dhisayo ciidankan soo socotay muddo ku siman 10 sano.

“Ciidankani hadda ma howl-galaan laakin waxaa loo diyaarinayaa sidii ay u howl gali lahaayeen, Shirku wuxuu leeyahay saddex heer, midkani waxaa xigi doona shirka taliyeyaasha ciidammada, waxaa kaddib sii xigi doona midka wasiirrada gaashaandhigga” Ayuu yiri Generaal Axmed.

Dowladaha Somalia, Burundi, Jabuuti, Rwanda, Kenya, Sudan, iyo Ethiopia ayaa shirkaasi ku sugan waloow aan la shaacin inta uu socon doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM