​Shir madaxda Somalida uga furmay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta oo [Axad 29 May, 2016], magalada Muqdishu Caasumadda Somalia ka furmay shirka wadatashiga madaxda Somalia oo looga hadlayo arrimo ku aadan doorashada waddanka ee la qorsheynayo inay qabsoonto dabayaaqada 2016.

Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Villa Somalia, waxaana isugu yimi, madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Ra'isal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo madaxda maamullada qaybta ka ah dowladda dhexe.

Shirka oo Socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii ay hore Madashu u gaartey ee la xiriirey hannaanka doorashooyinka iyo qaababka ay guddiyadu uga hawl geli doonaan dhammaan gobollada Somalia.

Waxaa sidoo kale lagu lafa guri doonaan halka looga sii gudbayo doorashada kadib iyo qaabkii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Madashan, ayaa sidoo kale la isla soo qaadi doonaan arrimo ku aadan maqaamka caasumadda iyo halka doorashadu ka dhici doonto, waxaana wararka uu helayo warsidaha Garowe Online sheegayaan in si aad ah loogu kala aragti duwanyahay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somalia, xeer ku ansixiyay hishiiskii madasha ee bishii April, kadib markii la horgeeyay Barlamanka islamarkanaa ka dhasheen khilaaf xooggan oo soo baxay markii Xildhibaanadu shaaciyeen in qodobaa qayb ka saari doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM