​Shir madaxeedka IGAD oo Muqdishu lagu qabanayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa lagu wadaa in dalka Somalia bisha September ee sannadkan 2016 lagu qabto shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD sida ay xaqiijiyeen warar rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowladda Federalka Somalia.

Shirka ayaa ka qabsoomi doona magaalada Muqdishu, waxaana lagu go'aamiyay kulan deg deg ah oo madaxda IGAD isugu imaadeen dalka Ethiopia gaar ahaan caasumadda Addis Ababa kaasoo uu ka qayb galay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid tahay xaaladda dalka Koonfurta Sudan iyo doorashada Somalia ka dhici doonta dabayaaqada sannadkan.

Madaxda Africa ayaa isku raacay in South Sudan loo diro ciidamo Bad-baadiya dadka shacabka, waxaana mas'uuliyiinta siyaasadda isku haya loogu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaa iyadoo si gooni ah madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi loo amray inuu ku laabto magaalada Jubba.

Qorshaha keenista ciidamada nabad-ilaalinta waxaa ogolaatay xukuumadda Koonfurta Sudan taasoo markii hore ka cago jiidaysay iyadoo ku doodaysay inay haysato ciidamo damaanad qaadi kara ammaanka shacabka.

Waxaa sidoo  kale lagusoo hadal qaaday doorashada Somaliya iyadoo warbixin laga dhagaystay madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo tilmamay in waddanka isbadal ka dhici doono sannadka, waxaana madaxda IGAD dowladda Somalia ugu baaqeen inay ku dadaasho sidii doorasho xor ah u qabsoomi lahayd.

Madashaasi ayaa sidoo kale lagu go'aamiyay in shirka sannad laha ah ee madaxda IGAD ka qabsoomo caasumadda Somaliya bisha September ee sannadkan iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan dhammaan madaxda xubnaha ka ah ururka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli bishii January ee sannadkan magaalada Muqdishu isugu yimaadeen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada ku jira IGAD, waxaana shirkaasi dowladda Somalia ku tilmaamtay mid kor u qaaday sumcadda waddanka islamarkaana tusaale u noqday in kulamo ka sarreeya lagu qaban karo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM