Shirka maamul u dhiska gobolada dhexe oo Cadaado ka furmey

Image

CADAADO, April 16,2015 (GO)-  Shirweyne maamul loogu sameynayo gobolada dhexe ayaa maanta ka furmey magaalada Cadaado iyada xaflada furitaanka khudbo uu ka akhriyey madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh.

Shirkaan oo dib u dhac farabadan ku yimid ayaa madaxweynaha dowlada Federaalka ugu baaqey dadkii kasoo qayb galey iney dhistaan maamul ay u dhan yihiin.

Madaxweynaha Somalia ayaa u mahad celiyey maalada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunah isaga oo sheegey iney ka tanaasuleen maamuladoodii sidii loo dhisi lahaa mamaul loo dhan yahay.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in kulankan ka qayb galayaan 12 beelood oo la sheegey iney dagan yihiin gobolada damacsan iney maamulkaan sameystaan iyada shirkaan la filayo inuu socdo muddo 45 cisho ah.

Weli waxaa taagan khilaafka goobta ay noqoneyso magaalo madaxda maamulkaan iyo arrimo kale iyadoo lagu heshiiyey in doodahaan la horkeeni doono inta uu socdo shirkaan.

Kulankaan ayaa inta uu socdo ayaa waxaa lagu ansaxin doonaa Dastuurka iyo madaxweynaha hogaamin dooona mamaulkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM