Shirka maamul u-samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo markale furmay

Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR- Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Jowhar xarunta gobolka Shabellaha dhexe halkaas oo ka furmay shirka maamulka loogu samaynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Madashan ayaa hakad ku jiray muddo dhan labo bilood, waxaana hareeyay khilaafaad kala duwan iyo saluug beelaha qaybtood ka yimi.

Munaasabad lagu furayay shirkan, ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda dowladda Federalka Somalia, xubno matalada labada gobol gaar ahaan ergooyin kasocda beelaha halkaasi ku dhaqan ee maamulka samaysanaya.

Xafladda waxaa ka hadlay Wasiir Odowa oo sheegay in dowladda Somalia maamulka shirka ku wareejisay duubabka dhaqanka islamarkaana aysan wadan arrimo kale, balse qorshaheedu yahay sidii maamulkan u dhismi lahaa.

Madaxweynaha maamulkan ayuu xusay inuu ku imaanayo doorasho, laakiin uusan noqon doonin ruux dowladda Somalia wadato, isagoo carrabka ku dhuftay inay u adkaysanayeen mudadii uu hakadkan jiray.

Qaar kamid ah waxgaradka labada gobolka ayaa madasha ka hadlay iyagoo soo dhaweeyay shirkan, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin sidii maamul dhexdooda ah u samaysan lahaayeen. Laakiin waxay ka digeen inuusan dhicin qaladaadkii horay u dhacay inay soo laabtaan.

Furitaanka shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli muddo labo bilood ah hakad ku jiray shir la doonayay in lagu yagleelo maamul cusub oo ka dhisma Koonfurta Somalia, kaasoo ku midaysanyihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha, waxaana maamulkan la doonayaa inuu ka mid noqdo doorashada waddanka ka dhacaysa 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM