​Shirka maamul u samaynta Hiiran iyo Shabeellaha dhexe oo furmaya

Image

Waxaa maanta magalada Jowhar xarunta Shabeellaha dhexe gaaray wufuud kamid ah Ergooyinka shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaasi oo mudooyinkii dambe hakad ku jiray, waxaana la sheegay in wajigiisa labadaa dib u furmi doono.

Ergada Jowhar gaaray ayaa waxay ka yimaadeen magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo isugu jiray duub dhaqameed iyo mas'uuliyiinta gobolkaas.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo dhismaha maamulka loo dhisayo labadaasi gobol isagoo xusay in hakadka shirka keentay kala aragti duwaan ka timaaday dhinaca Hiiran.

Cabdulqaadir, ayaa cadeeyay in waxyaabaha weli harsan dhaqsoo loo dhammaystiro, isagoo intaasi raaciyay in Gudoomiyaha gobolka Hiiraan shaaciyay in wixii hore lasoo afjaray shirkuna furmi doono.

Arrintan, ayaa timi xilli dhawaan oo xirmay shirka maamul u samaynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana hareeyay khilaaf ku salaysan hab qaybsiga shirka iyo saluug laga muujiyay qaabka dowladda Federalku u maamushay, waxaana odoyaal waqtigaasi xiriir la samaynay sheegeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaa weeciyay dhammaan ajandayaashii shirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM