​Shirka maamul u samaynta Hiiran iyo Shabeellaha dhexe oo furmaya

Image

Waxaa maanta magalada Jowhar xarunta Shabeellaha dhexe gaaray wufuud kamid ah Ergooyinka shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaasi oo mudooyinkii dambe hakad ku jiray, waxaana la sheegay in wajigiisa labadaa dib u furmi doono.

Ergada Jowhar gaaray ayaa waxay ka yimaadeen magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo isugu jiray duub dhaqameed iyo mas'uuliyiinta gobolkaas.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo dhismaha maamulka loo dhisayo labadaasi gobol isagoo xusay in hakadka shirka keentay kala aragti duwaan ka timaaday dhinaca Hiiran.

Cabdulqaadir, ayaa cadeeyay in waxyaabaha weli harsan dhaqsoo loo dhammaystiro, isagoo intaasi raaciyay in Gudoomiyaha gobolka Hiiraan shaaciyay in wixii hore lasoo afjaray shirkuna furmi doono.

Arrintan, ayaa timi xilli dhawaan oo xirmay shirka maamul u samaynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana hareeyay khilaaf ku salaysan hab qaybsiga shirka iyo saluug laga muujiyay qaabka dowladda Federalku u maamushay, waxaana odoyaal waqtigaasi xiriir la samaynay sheegeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaa weeciyay dhammaan ajandayaashii shirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM