Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo dib u dhacay

Image

1 September, 2015(GO)-Wasaaradda arimaha gudaha dowladda Fadaraalka Somalia ayaa shalay shaacisay  inuu baaqday shirkii maamulka loogu samayn lahaa gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Wasaarada arimaha gudaha ma aysan caday sababta uu baaqday ilaayo haatan, balse wararka ayaa sheegayain lagu heshiin waayey guddiga farsamada ee shirka oo khilaaf ka jiro.

Guddiga farsamda oo ka kooban 31 xubnood ayaa la sheegayaa in laysku khilaafsan yahay sida loo qaybsan lahaa saamiga shirka.

Siyaasiyiinta gobolada maamulka loo sameynayo ayaa ku adkeystay in gobolka kasta la siiyo saami u qalma.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM