​Shirka Madasha oo qarka u saaran bur-bur iyo madax isaga baxday

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa fashilmay maanta shirkii  madasha ee doorashada Somalia kadib markii madaxda maamulada iyo Federaalka xilkii ka dhamadey ku heshiin waayeen dhisamaha aqalka sare ee Baarlamaanka iyo qeybsiga xubnaha.

Warsidaha GO ayaa ogaaday in Madaxweyniyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay isaga baxeen madaxaja shirka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socda Villa Somalia ee Muqdisho. 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isaga tagey Muqdisho, oo aadey Kismaayo, iyadoo Cabdiweli Gaas lagu wado inuu maalinta berri ah u amba-baxo magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland. 

Warka ayaa sheegay in wakiilda beesha caalamka ee Somalia ay kulan deg deg ah kula leeyihiin Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, iyagoo isku dayay inay xaliyaan Khilaafka keenay in burburo Shirka. 

Khilaafka ugu wayn ee shirka wuxuu uu dhaxeeyaa Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne Gaas, oo isku haya tirada dheeriga ah, ee la siiyay Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulankaan ku soo hadal qaadey xanibaada Gadiidka Puntland ku soo rogtey Koonfurta Somalia balse arinkaas waxaa ganafka ku dhuftey Madaxeynaha Puntland oo diidey in arinkaan aan shirkaan khuseyn.

Madaxda Somalida oo kulamo badan ka yeeshay arimaha Doorashada ayaa marnaba ka haddlin si guud iyo gaar ah dhibaatooyin ka haysta shacabka Somalida. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM