Shirka madaxda Somalida Kismayo oo barri furmaya

Image

13 January, 2016(GO)-Waxaa madaxda ku sugan magalada Kismayo xaqiijiyeen in maalinta barri 14 January uu furmi doono shirka looga hadlay habraaca doorashada 2016 kadib markii uu dib u dhacay dhawr bari.

Shirkan oo looga dhawaaqay madashada wadatashiga madaxda Somalida ee sannadkii hore lagu qabtay Muqdishu, ayaa la qorsheeyay inuu furmo 10 bishan, balse arrimo farsamo darteed u baaqday.

Dhammaan madaxda Somalida ayaa kusugan Kismayo, waxaana socda shirar caadi ah oo u dhaxeeya madaxda Somalida iyo xubnaha kasocda beesha caalamka ee tagay xarunta KMG ah ee Jubbaland, kuwaasi oo looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda Somalia.

Kulankan ayaa lagu go'aamin doonaa habraaca doorashada 2016, waxaana jira kala aragti duwanaan ku sallaysan habka lagu soo xuli doono Xildhibaanada imaan doona sannadka, waxaana dowladda Somalia danaynaysaa nidaamka qabaliga ah ee 4.5, halka maamullada Jubbaland iyo Puntland habka deegaanka u sacab-tumayaan.

Lama saadaalin karo natiijada shirkaasi, balse dhawaan waxaa soo baxay qorshe isku dhaf ah oo beesha caalamku soo jeedisay kaaso ah 1/3 oo macnaheedu tahay in 92-dii degmo ee xilligii Somalia jiray laga soo xulo min hal Xildhibaan, halka inta kale lagu sallaynayo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM