Shirka madaxda Somalida Kismayo oo markale dib u dhacay

Image

11 January, 2016(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Kismayo xarunta KMG maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in markale dib u dhacay shirka madaxda Somalida ee looga hadlayo doorashada dalka Somalia 2016.

Shirka waxaa baajiyay arrimo dhawr ah kuwaasi oo kayimi madaxda ugu saraysa dowladda Federalka Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cusman Jawari.

Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan inuu u baaqday kaqayb galka shir kadhacaya magalada Jowhar oo maamul loogu samaynayo gobollada Shebeelaha dhexe iyo Hiiran.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi furaya galinka hore maalinta Talaadada 12 January isagoo galinka dambe la qorshaynayo inuu tago magalada Kismayo halkaaso oo kusuganyihiin madaxda maamullada iyo Ra'isal wasaare Sharmake.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa wararka Garowe Online helayo sheegayaan inuu kabiyo diidsanyahay tagista magalada Kismayo sababo aan la xaqiijin, balse Jawari ayaa kal hore lagu eedeeyay mooshin laga keenay Barlamanka Jubbaland.

Waxaa xusid mudan in gudoomiyaha Barlamanka wali tagin magalada Kismayo tan iyo markii loo doortay afhayeen mudanayasha, halka sidaas si lamida uusan u tagin Puntland.

Balse, Madaxweyne Xasan ayaa dadaal ugu jira qaabkii gudoomiyaha Barlamanka uga qayb galin lahaa madasha lagu go'aaminayo habraaca doorashada 2016, taaso kataagantahay kala aragti duwanaan u dhaxaysa mas'uuliyiinta xarunta Jubbada hoose tagay.

Prof.Jawaari ayaa dhowr maalin kahor tagay magalada Dhuusamareeb ee fadhiga u ah maamulka Ahlusunna, waxaana tagistaas walaac kamuujiyay maamulka Galmudug oo eedayn dusha uga tuuray gudoomiyaha, waxayna xuseen inuu wado arrimo ka dhan ah xasiloonida iyo wadahadal xukuumadda Somalia garwadeen katahay ee lagu soo afjarayo muranka u dhaxeey labada maamul ee ka arrimiya gobollada dhexe.

Lama xaqiijin goorta shirku furmi doono, balse warar aan kahelayno ilo lagu kalsoonyahay oo kusugan Kismayo ayaa Garowe Online u sheegay in galinka dambe Talaada kulankaasi furmi doono kadib marka uu  tago madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM