​Shirka madaxda Somalida oo soo xirmaya

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta lagu wadaa in magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyo shir madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyada qaybta ah, shalay uga furmay magaladaasi.

Kulankan, ayaa looga hadlay qaabka looga guda gali doono doorashooyinka waddanka ka dhacaya sannadkan iyo arrimo la xiriira siyaasadda amniga.

Balse, shirka maanta ayaa lagu wadaa in looga doodo ajandayaal dhawr ah, waxaana diiradda la saari doonaa qodobo ku salaysan maqaamka caasumadda Soomaaliya iyo xubnaha gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sare.

Qodobadan ayaa si aad ah loogu kala aragti duwanyahay, balse hogaamiyaasha, ayaa rajo weyn ka qaba inay isku afgartaan.

War-murtiyeed qeexaya, waxyaabaha lagu hishiiyay ayaa la filayaa in kulankaasi kasoo baxo iyadoo wararku intaasi ku darayaan in doodu adagtahay oo laga yaabo ilaa galinka dambe inay gaarto.

Madaxda ayaa horay u gaaray hishiis qeexaya habraaca doorashada, balse waxaa soo baxay tabashooyin dhawr ah oo ku saabsan aqalka sare iyo nidaamka soo xulista Barlamanka, waxaa sidoo kale cabasho xooggan muujiyay dadka kasoo jeeda gobolka Banaadir oo iyagu wax ku raadinaya maqaamka caasumadda dalka.

Waxyaabaha shirkaasi kasoo baxa, waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeenna dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM