Shirka Muqdisho oo laga soo saarey jadwal howleedka doorashada Somaliya

Image

MUQDISHU- Magaalada Muqdisu ayaa waxaa kasoo baxay jadwalka shaqo ee doraashada Somaliya kadib marki halkaas kulan ku yesheen madaxda Somaliya.

Jadwalka cusub ee doorasho ayaa yimid xilli madaxda Somalida ku guuldareyatey iney hirgaliyaan go'aamadii kasoo baxey kulankii ay Baydhabo ku qabteen. 

Dib u dhaca ku yimid doorashada Somaliya ayaa sababaya in hay'adaha Dowlada Somalia muddo labo bilood ah loogu daro inta ay haynayaan talada dalka kasoo ku ekaa bartamaha Bisha September. 

Dhinaca kale waxaa weli go'aan laga gaarin maalgalinta doorashada Somaliya iyadoo Dowlada Xasan sheikh lacag farabadan weydiisatey beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa sheegtey in Dowlada Somaliya bixiso lacagta doorashada ku kaceyso 70% taasoo ka biyo diideen.

Tan kale madaxda Somalida ayaa damacsan in Xildhibanada aqalka sare raadinaya iney bixinayaan 5000 dollar Halka kuwa aqalka hoose 10,000 dollar laga rabo in laga qaado.

Lacagtaan ayaa la filayaa in Dowlada Fedeaalka iyo maamulada qaybsadaan kuwasoo kawda hadlaya Saamiga.

Ka qaadista lacagtaan ee xildhibaanka ayaa dadka u kuurgala siyaasada Somaliya rumeysan yihiin iney ka dhigi doonta Doorashada mid lacag ku saleysan taasoo xildhibaanka ku soo baxayo kharash Badan isagoo Dhinaca kale  lacagta kaga baxda xil doonashadiisa ka qaadi doono siyaasiyiinta u tartameysa kursiga sare.

Hoos ka akhriso jadwalka kasoo Baxay kulankaan adigoo gujinaya Linkigaan. FIEIT Timetable.docx

GAROWEONLINE 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM