Shirka Muqdisho oo weli socda iyo qodobo lagu heshiiyey

Image

February 5, 2015 (GO)- Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shir afar geedoos ah oo dhex maraya madaxda Dowlada Federaalka iyo madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Wararka Garowe Online ka heleyso hoolka kulanku ka socdo ayaa tibaaxaya in dhinacyada shirayaa dhowr qodob isku afgarteen, waxaana kamid ah:

  • In hal cod oo mideysan dowlada dhexe iyo dowladaha federaalku kula hadlaan beesha caalamka.
  • In si wadajir ah laysaga kaashado la dagaalanka Al-shabaab.
  • In la joogteeyo xiriirka shirkanina noqdo mid sanadle ah.

War-murtiyeedka shirkaas laga soo saarayo iyo sawiradaba ka filo goor dhow Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM