Shirka soo xulista xildhibaanada Jubaland oo maanta furmay

Image

January 20, 2015 (GO)- Shirka soo xulidda Barlamanka cusub ee Jubbaland ayaa maanta oo Talada ah ka furmay hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Kisamayo, kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku xigeenka koobaad Cabdullaahi Sheekh ismaaciil iyo midka seddexaad Suldaan Cabdiqaadir Luga-Dheere.

Sido kale xubnaha gollaha wasiiradda maamulka Jubbaland ayaa iyagana qeyb ka ah dadka shirka ka qeyb qaadanaya.

Odayasha dhaqanka Jubbaland, ganacsato, ururada dhallinayrada iyo Haweenka ayaa iyagana goobta ku sugan.

Marti ka socota Dowlada Federaalka Soomaaliya, dowladaha deriska ee Kenya iyo Itoobiya ayaa iyana jooga madasha.

Wakiilo ka socda urur goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub ah ayaa madasha maanta fadhiya waxaana kamid ah wakiilada wadamada Ingiriiska, Faransiiska,Talyaaniga iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa furay shirka isagoo sheegay in xildhibanada lagu soo xulayo qaab deegaan.

Fillo goor dhow faah-faahin iyo sawirro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM