Shirka wadatashiga Muqdishu oo soo xirmay

Image

08 December, 2015(GO)-Shirka wadatashiga qaran ee ka fumray magalada Muqdishu ayaa la soo gaba gabeeyay galinkii dambe maanta waxaana looga hadlay dhowr arrimood oo khuseeya xaaladda dalka iyo qaabkii lagu gaari lahaa doorasho dhacda 2016.

Kulanka oo hal maalin socday, ayaa looga arrinsaday doorashada Somalia 2016, dhismaha ciidan qaran, dhammaystirka maamullada Somalia iyo Federalism-ka.

Madaxda ayaa go'aamisay in la isu soo laabto 12 December, si looga hadlo qaabka ay noqon doonto doorashada dalka, maadaama weli la helin mowqif cad.Waxaana jira kala aragti duwanaan u dhaxaysa maamul goboleedyada.

Inta uu shirkani socday, waxaa khudbado kala duwan soo jeediyay madaxda dowladda dhexe iyo maamul dalka, waxayna dhammaantooda sheegeen in la helo nidaam cad oo u dhici karto doorashada soo socota.

Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa saxaafadda la hadlay kulanka ka dib wuxuuna sheegay in la isku afgartay 12 bishan in go'aan laga gaaro habka doorashadu noqon doonto

Xubno ka socda beesha caalamka ayaa goob joog ka ahaa kulankii maanta, waxaana horay looga digay inaan la samayn muddo kororsi ka yimaada dowladda dhexe.

Waa shirkii labaad oo looga hadlo hiigsiga 2016, welina lama caddayn qaabka wax lagu dooran doono, balse aragti aruurin laga sameeyay maamuladda dalka ayaa labo ka mid isku raaceen deegaamaysi in wax lagu soo dhiso, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed dadkoodu rabaan 4.5 oo dastuurka dalka ku qornayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM