Khudbadaha laga akhriyey shirka wadatshiga Somalida [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

19 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdishu ka furmay shirka madasha watashiga arrimaha Somalia oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federaalka Somalia, maamul goboleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somlia, xubno ka socda beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah.

Madashan ayaa looga dhawaaqay shirka ka dhacay Xamar 19-21 bishii September, waxaana diirada lagu saarayaa qaabkii loo wajihi lahaa marxaladda kala guurka iyo doorashada dhici doonta 2016.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa ballan qaaday inay fulinayaan dhammaan talooyinka shirkan laga soo saaro, wuxuuna ka digay inaan madasha looga hadlin arrimaha aan khuseyn, balse qof walba fikirkiisa ka dhiibto waxa laga yeelayo doorashada 2016.

Hogaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa dhinacooda ka hadlay madasha, waxaana madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu sheegay in Puntland aaminsan tahay in dalka la gaarsiin karo doorasho hal qof iyo hal cod ah , taasina u baahan tahay in laga dhabeeyo dadaalka hadda socda iyadoo laga tanaasulayo dan shakhsiyadeed isla markaana loo jihaysto in Soomaliya oo hore uga gudubta meesha ay hadda taagan tahay.

Dhinaca kale madaxda maamullada kale ee Somalia ayaa xusay inay muhiim tahay sidii looga wadashaqyn lahaa hormarka dalka iyo masiir umadda Somaliyeed

Khudbadaha ka dib ayaa la xulay guddi isku dhaf ah, kuwaasi oo loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan qaabka ay noqonayso doorashada ka dhici doonta Somalia sanadka dambe.

Shirka ayaa la soo gaba-gabayn doonaa maalinta barri ah oo taariikhu ku beegantahay  20 Octobar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM