Shirkii Cadado oo dib u dhacay iyo Nicholas Kay oo degmadas gaarey

Image

April 15, 2015 (GO)- Waxaa dib u dhacay furitaanka shirka maamul u sameynta gobollada dhexe oo qorshuhu ahaa inuu maanta ka furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad degmadaas ku sugan iyo odayaasha Ximin iyo Xeeb dhowr qodob isku mari waayeen taasina sababtey in shirku dib u dhaco.

Odayaasha ayaa Madaxweynaha ka dalbadey inuu ka laabto go'aankii uu horey u qaatey ee ahaa in magaalo madaxda maamulka gobollada dhexe noqon doonto Dhuusomareeb, odayaashu waxay sidoo kale ka dalbadeen Madaxweynaha in hobyo laga dhigo xarunta ganacsiga loona dhiso deked.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida wararka lagu helayo ka biyo diidey soo jeedinta odayaasha Ximin iyo Xeeb, wuxuuna u sheegay inuusan ka laaban doonin hadalkii uu horay u yiri ee ahaa in Dhuusomareeb magaalo madaxda laga dhigyo.

Nicholas kay iyo wafdi uu hoggaamiyo oo Cadaado Gaarey

Wafdi uu hoggaaminayey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay oo ay wehliyaan wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, Safiirka Turkiga Olgan Bekir iyo Safiirka Uganda Nathan Mugisha ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ujeedada safarka Nick Kay iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen furitaanka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, kaasoo uu maanta uu mar kale dib u dhac ku yimid.

nick_adado

Ergadii Dhuusomareeb oo shirka laga celiyey

Wararka degmada Cadaado ka imaanaya ayaa sheegay in maanta dib loo celiyey kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ergooyinka shirka uga qayb gelaya degamda Dhuusomareeb kuwaasoo tiradoodu ahayd boqol qof.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa xubnahan kaga hor tegey kantaroolka magaaladaas laga soo galo, waxayna u sheegeen in dhammaantood aan loo oggoleyn inay shirka ka qayb galaan, sidaas darteed ay iska dhex xulaan labaatan qof oo metesha.

Ergada Dhuusomareeb oo tallaabadan aad uga xumaadey ayaa isla maanta dib ugu laabtey magaalada Dhuusomareeb, arintaasoo xaaladda cirka kusii shareertay.

Kulammo gaar gaar ah ayaa galabta iyo caawa ka socda Cadaado, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wufuud ka socota beesha caalamka ayaana ku hawlan sidii khilaafka jira xal looga gaari lahaa.

Wixii kasoo kordha arrintan wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM