Shirkii Dhuusomareeb oo Madaxweyne lagu doortay

Image

July 1, 2015 (GO)- Doorasho maanta oo Arbaco ah ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa lagu doortey madaxweynaha maamul loogu magac daray Maamulka Gobollada Dhexe, kaas oo ka kooban Galguduud iyo qaybo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Mudug.

Shir lagu doortay madaxweynaha waxaa martigeliyey islamarkaana fikirkiisa lahaa maamulka Ahlu Sunna oo iyagu horay u qaadacay shirka Cadaado ka socda, xiriirkana u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartamay saddex murashax oo kala ah: Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji; iyo Careys Maxamed Xaaji oo isna ahaa af-hayeenkii maamulka Ximan iyo Xeeb.

Labo wareeg ayey doorashadu yeelatay, waxaana ugu dambeyntii ku guuleystey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca.

Doorashada maanta ka dhacday degmada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xilli Sabtida soo socota lagu wado in degmada Cadaado lagu doorto madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka loogu magac daray Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM