Shirkii wadamada IGAD ku lahaayeen Muqdisho oo dhamaadey

Image

MUQDISHU Jan 102015 [GO]- Kulan muddo saacado ah qaatey oo Wasiirda Arrimaha Dibadda wadamada ururka IGAD ku bahoobey uga socdey Hotel la yiraahdo SYL ee ku yaala magaalada Muqdishu ayaa soo dhamaadey.

Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashid ayaa kulankaan soo xirey isaga oo ka akhriyey khudabad dhinacyo badan taabaneysay. Mud. Cumar Cabdirashid ayaa soo dhoweeyey kulankaan ka dhacey magaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamey mid taarikhi ah.

Wasiirka Kowaad ee dowlada Somalia ayaa u mahadceliyey ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa AMISOM sida ay u sugeen amaanka inta uu socdey kulankaan isaga oo sheegey in la'aantood qabsoomeen.

Shirka Wadamada ku bahoobey urur Goboleedkaan ayaa waxaa kasoo qayb galey Wasiirada Arrimaha Dibada Ethiopia, Jabuuti, Koonfurta Sudan, Kenya halka wadamada Uganda iyo Sudan wakiilo u soo dirsadeen.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Wakiilka Qaramada Midoobey iyo Wdaanka Jabuuti casumaad iney goob joog noqdaan kulankaas siiyeen maamulka Somaliland.

Ma jiro warar xaqiijinaya iney kulakaas yimadeen Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo hadal dowlada Federaalka kasoo saartey casumadaas loo fidey maamulkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM