Shirkii wadamada IGAD ku lahaayeen Muqdisho oo dhamaadey

Image

MUQDISHU Jan 102015 [GO]- Kulan muddo saacado ah qaatey oo Wasiirda Arrimaha Dibadda wadamada ururka IGAD ku bahoobey uga socdey Hotel la yiraahdo SYL ee ku yaala magaalada Muqdishu ayaa soo dhamaadey.

Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashid ayaa kulankaan soo xirey isaga oo ka akhriyey khudabad dhinacyo badan taabaneysay. Mud. Cumar Cabdirashid ayaa soo dhoweeyey kulankaan ka dhacey magaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamey mid taarikhi ah.

Wasiirka Kowaad ee dowlada Somalia ayaa u mahadceliyey ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa AMISOM sida ay u sugeen amaanka inta uu socdey kulankaan isaga oo sheegey in la'aantood qabsoomeen.

Shirka Wadamada ku bahoobey urur Goboleedkaan ayaa waxaa kasoo qayb galey Wasiirada Arrimaha Dibada Ethiopia, Jabuuti, Koonfurta Sudan, Kenya halka wadamada Uganda iyo Sudan wakiilo u soo dirsadeen.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Wakiilka Qaramada Midoobey iyo Wdaanka Jabuuti casumaad iney goob joog noqdaan kulankaas siiyeen maamulka Somaliland.

Ma jiro warar xaqiijinaya iney kulakaas yimadeen Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo hadal dowlada Federaalka kasoo saartey casumadaas loo fidey maamulkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM