Sidee oorintii baarlamaanka ee Farmaajo "u furfurtay" siyaasadda?
MUQDISHO, Soomaaliya – Oorintii Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka ah ku sameeyeen madaxweyne Farmaajo ayaa waxay furfurtay siyaasadda Soomaaliya, sidda uu aaminsan yahay Xildhibaan Cabdi Xasan Ismaaciil.
Mudanaha oo kamid ahaa xubnihii ku fooriyey madaxweynaha ayaa difaacay talaabadda ay qaadeen, isagoo tilmaamay in kahor dibad-baxooda ay siyaasadda "ahayd mid cakiran, balse waqti xaadirkan la helo jiho sax ah".
Sharci-dejiyeyaasha ayaa Farmaajo ku buuqay kuna yeeriyey firimbi intii uu ku guda jiray khudbadiisa dastuurkiga ah ee furitaanka kalfadhiga baarlamaanka. Hadal-jeedinta waxay hakad gashay ugu yaraan 10 daqiiqo.
Xildhibaanadda falkaas sameeyay ayaa ku eedeeyay Farmaajo "in uusan ka hadlin xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka iyo in uu go'doomiyey degaaadda laga soo doorto". Madaxtooyadda kama jawaabin dhamaan eedeynta.
Cabdi Xasan Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saarey in uu yahay maskaxdii ka dambeysay "mudaaharaadka xeer-dejintu sameysay".
"Aniga mid kamid ah Xildhibaanadaas ayaan [ahaa], waxaan aaminsanahay in aan waddanka u jiheynay meel fiican, waxaan aaminsanahay in aad maanta arkeyneysaa in waddanka u jiheystey dimuqraadiyad, in doorasho aado, in xaaladda cakirneyd ee isku huursaneyd waddanku ka jeesto, in dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba meelay joogaan ay dareemaan in waddanka uusan u baahneyn muddo kororsi, in waddanka uu doorasho aado, waad aragtaan Aqalka Sarre waxa kasoo baxay, waad aragtaan dowlad goboleedyadda waxa kasoo baxaya, waad aragtaan Madasha Xisbiyadda Qaran waxa kasoo baxaya, marka waxaan leeyahay Firimbigii wuxuu furay waddo, wuxuu yeelay jiho siyaasadeed oo ah in uu saameeyo Umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Goobjoog ee xaruntiisu tahay Muqdisho.
Isagoo sii hadlaya, Cabdi Xasan Ismaaciil ayaa ka falceliyey guuxa ka dhashay talaabadda ay qaadeen saaxiibadiisa iyo isaga. Si gaar ah, waxaa wax looga waydiiyey magacyo loo bixiyey iyo dhaleeceymo loo jeediyey.
"Hadalheynta ama magacyadda; hadii talaabo lagu dhaqaaqo dadna way jecleysanayaan, dadna waa laga yaabaa in ay ka aragti duwan yihiin, laakiin kala aragti duwanaanshiyaha nafteeda waan ixtiraameynaa, aflagaada iyo cayda ayaa meel ka dhac ah; dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadna way nala soo xiriiriyeen way noo hambalyeeyeen; in dalkii siyaasadiisa jiho loo yeelay, in wadankan uu u baahan isbedel in uu aado, in doorashada laga tashado ayuu u baahan yahay; waadna moodaa in aan jabinay darbi adkaa oo in la jabiyo ay adkeyd; umaddana u jiheystaan," ayuu hadalkiisa ku daray.
Magacyadda sidda shaqsiga ah ugu bixiyeen taageereyaasha dowladda waxaa kamid ah 'Xildhibaankii Firimbiga iyo Xildhibaanka Garsooraha".
Isagoo diidey in uu u jawaabo dadka dhaliilay, hase ahaatee, wuxuu ku adkeystay "waxaan rajeynayaa firimbiga uu noqdo firimbigii xorriyadda dimuqraadiyadda oo ay Soomaaliya ku aadi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah".
Soomaaliya ayaa hadda dhexda kaga jirta mar-xaladda kala guurka oo aysan kala caddeyn qaabka uu dalka uga bixi doono, sidda ay sheegeen siyaasiyiinta, oo ku tartarsiiyey dowladda in ay wadahadal ka furtay doorashadda.
GAROWE ONLINE