Siilaanyo oo ka digey ciidamo qaran oo loo dhiso Somalia

Image

May 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka digey ciidamada qaran ee la qorsheynayo in loo dhiso Soomaaliya.

Siilaanyo oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad-guuradii 24aad ee kasoo wareegtey asaaskii Somaliland oo maanta ka dhacdey Hargeysa, wuxuu sheegay in dhismaha ciidankaasi halis gelin doono nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isagoo sabab uga dhigey arintaas in Dowladda Soomaaliya dooneyso inay xoog dib usoo celiso midnimadii Soomaaliya.

"Waxaan ognahay in dhowaanahanba la wado hindise ciidamo loogu dhisayo Soomaaliya...haddaba waxan uga digayaa inay tallaabadaasi hurin doonto colaado hor leh iyo xasillooni darro kusoo kororta mandiqadda Geeska Afrika" ayuu yiri.

Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca dib-u-dhiska ciidamada ayuu ugu baaqay inay arrintan si gaar ah uga fiirsadaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta loo sameeyey xukuumaddiisa, isagoo xusey in muddo kordhintu tahay mid ku timid qaab dastuuri ah islamarkaana isagu shaqsiyan wax lug ah ku lahayn go'aanka Golaha Guurtidu qaateen.

Dib u dhaca doorashada mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in mas'uuliyadda dib u dhaca dowladda keliya lahayn balse taas canaanteeda loo wada siman yahay dowlad iyo mucaaradba.

Ugu dambeyntii wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey in laga fogaado wax kasta oo khal khal gelin kara nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.

Shir bishan May horraanteedii magaalada Garowe ku dhex maray Dowladda Federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka ayaa lagu gaarey heshiis lagu dhisayo ciidamo qaran oo isku-dhaf ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM