Siilaanyo oo markii labaad bil gudaheed isku shaandheyn sameeyey

Image

March 15, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa muddo bil gudaheed ah labo mar isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa Wasiirrada.

War-saxaafadeed xalay saqdii dhexe kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyey magacyada mas'uuliyiin xilalka laga qaadey, mas'uuliyiin xilal cusub loosoo magacaabay iyo weliba kuwa loo wareejiyey xilalkii ay horay isaga casileen Cabducasiis Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur.

Isku shaandheyntan oon wax saameyn ah ku yeelan wasiir ku-xigeennada, waxaa xilalkoodii ku waayey saddex mas'uul oo kala ah:

  1. Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL.
  2. Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL.
  3. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka.

Isku-shaandheynta ayaa u dhacdey sidan:

Wasiirka cusub ee Beeraha waxaa loo soo magacaabay Maxamed Aw-daahir Ibraahim iyadoo wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole loo wareejiyey Wasaaradda Waxbarashada kadib markii uu dhowaan xilkaas iska casiley Cabdicasiis Samaale.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Wershedaha waxaa loo soo magacaabay Shuceyb Maxamed Muuse  kadib markii uu dhowaan sidoo kale xilkaas iska casiley Abiib Diiriye Nuur.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Maxamed Faarax Ducaale.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Biyaha , Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Maareeye ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha, Cismaan Cabdullaahi Hirad.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdullaahi Jaamac Cali.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Yuusuf Axmed Cilmi.
Guddoomiye ku-xigeenka Hawd, Warsame Faarax Ibraahim.

February 28, 2015  ayey ahayd markii uu Madaxweyne Siilaanyo isku-shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirrada, taliska ciidamada iyo madaxdaxda hay'adaha dowliga ah qaarkood.

Isku shaandheyntan cusub ayaa kusoo aadeysa asbuuc kadib markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland shaaciyeen in doorashooyinkii dib loo dhigey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM