Siilaanyo oo xilka ka qaadey guddoomiyihii maxkamadda sare

Image

April 19, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilka ka qaadey guddoomiyihii maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali. War-saxaafadeed xalay kasoo baxay madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xilka ka xayuubiyey mas'uulkan.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland go'aankan qaatey kadib markii uu dhegeystey talo soo jeedinta guddiga cadaaladda, arkay cabashooyinka ka imaanaya dhanka bulshada ee ku saabsan shaqada guddoomiyaha maxkamadda sare islamarkaana garowsadey inay muhiim tahay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka maxkamadda sare. 

Guddoomiyaha cusub ee xilkan qaban doona dib ayaa laga soo magacaabi doonaa, sida ku xusan qoraalka xalay kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii la xirey madaxii hay'adda xuquuqul insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac. Amarka lagu xirey Guuleed Axmed waxaa bixiyey guddoomiyaha xalay la casiley.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ah hay'adda cadaaladeed ee ugu sarreysa iyo maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland. Dadka aqoonta durugsan uleh arrimaha sharciga ayaa sheegay in tallaabada Siilaanyo qaadey tahay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, maadaama ay waajib tahay in magacaabista iyo xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ay ansixiyaan labada gole ee  guurtida iyo wakiillada.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo shaqada ka eryo guddoomiyaha maxkamadda sare, bishii June 2011 ayey ahayd markii ugu horreysey ee sidan oo kale Siilaanyo shaqada uga fariisiyey guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare 
Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM