Sirdoonka Jubaland oo qabtey nin ku lebisnaa dhar dumar

Image
Image
Image
Image

February 12, 2015 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigey nin dhallinyaro ah oo ku lebisnaa dharka dumarka kaasoo la sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka ciidamada nabad-sugidda Jubaland Nuur Gaas oo shir-jaraa'id qabtey ayaa sheegay in ninkan oo da'diisu 20 jir tahay lasoo qabtey isagoo ku dhex jirey hawgal basaasnimo ah.

Ciidamo ka tirsan booliska oo ka shekiyey ninka una haystey markii hore qof dumar ah ayuu taliyuhu sheegay inay daba galeen balse ninka ayaa cararay markii uu dareemay in qorshihiisa la ogaadey inkastoo muddo kooban kadib gacanta lagu soo dhigey.

Waa markii ugu horreysey ee ciidamada Jubaland  qabtaan xubin ka tirsan Al-shabaab oo kusoo lebistey dharka dumarka si aan loo aqoonsan.

GAROWE ONILINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM