Siyaasi Cabdishakuur Mire Aadan oo geeriyoodey

Image

February 20, 2015 (GO)- Cabdishakuur Mire Aadan oo ahaa siyaasi caan ah xilal dhowr ahna kasoo qabtey dowladihii kala duwanaa ee Puntland soo maray ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyoodey qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Central Hotel ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuum Cabdishakuur Mire Aadan wuxuuna Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa ka waraabiyo. Tacsi taas lamid ah waxaa diraya dhammaan xubanaha golihii wasiirrada ee xukuumaddii hore ee Puntland.

Farriintii ugu dambeysey ee marxuumku soo dhigey boggiisa Twitter-ka:

 

Cabdishakuur Mire Aadan wuxuu Puntland kasoo qabtey xilal ay kamid yihiin: wasiir ku-xigeenka dekedaha, wasiiru-dowlaha howlaha guud, wasiir ku-xigeenka warfaafinta iyo agaasimaha hay'adda NESHA.

Wuxuu sidoo kale ahaa qoraa ka tegey dhowr buug oo dhaxal-gal ah iyo saxafi khabiir ah oo lagu tiriyo inuu kamid yahay kuwii dhidibada u taagey saxaafadda Puntland islamarkaana soo tababaray qaar kamid ah wariyeyaasha ugu caansan ee ka shaqeeya Puntland iyo gobollada kale ee dalka.

Muddooyinkii u dambeeyey Mire wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ahaa guddoomiye ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Daljir.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay ka tacsiyeynayaan geerida marxuum Cabdishakuur waxayna tiiraanyada la wadaagayaan bulshada Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM