Siyaasi Cabdishakuur Mire Aadan oo geeriyoodey

Image

February 20, 2015 (GO)- Cabdishakuur Mire Aadan oo ahaa siyaasi caan ah xilal dhowr ahna kasoo qabtey dowladihii kala duwanaa ee Puntland soo maray ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyoodey qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Central Hotel ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuum Cabdishakuur Mire Aadan wuxuuna Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa ka waraabiyo. Tacsi taas lamid ah waxaa diraya dhammaan xubanaha golihii wasiirrada ee xukuumaddii hore ee Puntland.

Farriintii ugu dambeysey ee marxuumku soo dhigey boggiisa Twitter-ka:

 

Cabdishakuur Mire Aadan wuxuu Puntland kasoo qabtey xilal ay kamid yihiin: wasiir ku-xigeenka dekedaha, wasiiru-dowlaha howlaha guud, wasiir ku-xigeenka warfaafinta iyo agaasimaha hay'adda NESHA.

Wuxuu sidoo kale ahaa qoraa ka tegey dhowr buug oo dhaxal-gal ah iyo saxafi khabiir ah oo lagu tiriyo inuu kamid yahay kuwii dhidibada u taagey saxaafadda Puntland islamarkaana soo tababaray qaar kamid ah wariyeyaasha ugu caansan ee ka shaqeeya Puntland iyo gobollada kale ee dalka.

Muddooyinkii u dambeeyey Mire wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ahaa guddoomiye ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Daljir.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay ka tacsiyeynayaan geerida marxuum Cabdishakuur waxayna tiiraanyada la wadaagayaan bulshada Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM