Siyaasiyiin dalbadey in Muqdisho laga dhigo maamul goboleed

Image

April 29, 2015 (GO)- Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka tirsan beesha Abgaal ayaa shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatey wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay.

Xubnaha la kulmey Nic Kay  waxaa hormuud u ahaa Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo labadooduba ra'isal wasaareyaal kasoo noqdey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee AHN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayey.

Siyaasiyiintan ayaa u gudbiyey Qaramada Midoobey codsi ah in magaalada Muqdisho laga dhigo maamul goboleed iyo in la dedejiyo dhismaha maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Xubnahani waxay ku doodeen in Muqdisho tahay magaalo madaxda dalka sidaas darteedna ay waajib tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Nicholas Kay ayaa sheegay in isagu shaqsi ahaan soo dhoweynayo maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, balse sida laga yeelayo magaalada Muqdisho ay tahay in Soomaalidu ka tashato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM