Siyaasiyiin falanqeeynaya shirka Muqdishu [Dhagayso]

Image

14 December, 2015(GO)-Siyaasiyiin ku kala sugan saddexda maamul ee kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka hadlay shirka ka socda magalada Muqdishu ee looga hadlayo hiigsiga 2016.

Warbaahinta Radio Garowe ayaa saddexda siyaasi ee kala ah; Cali Xaaji Maxamed “Puntland”, Cabdiraxmaan Daqarre “Jubbaland” iyo Shiikh Cumar “Koonfur Galbeed Somalia” wax ka weydiisay fikradahooda ku aaddan kulamada Muqdishu, waxayna qabaan aragti midaysan oo ah in shacabka Somaliyeed dib loogu celin habka wax ku qaybsiga beelaha.

Cali Xaaji Maxamed, ayaa kulanka madaxda ee magalada Muqdishu ku sheegay mid aan macno badan samaynayn. Sababta dhaliishiisa ayuu ku sheegay in waxyaabaha ay kawada hadlayaan horay loo weydiiyay shacabka.

Doorashada sannadka dambe ayuu xusay in lagu saleeyo deegaan, laguna soo dhiso Xildhibaanada imaan doona.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Dakharre oo ah siyaasi ku sugan magalada Kismayo ayaa soo jeediyay inay haboontahay ka gudbidda qabaa'ilka doorashada dambena lagu saleeyo deegaan.

Nidaamka 4.5 ayuu ka soo horjeestay,wuxuuna ku tilmaamay inuusan shaqaynayn horayna loogu fashilmay. Labo hab midkood ayuu soo jeediyay kuwaasi oo kala ah; xisbi ama deegaan.

Dadka 4.5 u ololaynaya ayuu ku tilmaamay inay yihiin Qaran dumis.

Balse, Sheekh Cumar oo ku sugan magalada Baydhabo, ayaa soo dhaweeyay shirka Xamar, wuxuuna ka soo horjeestay qaadashada habka wax ku qaybsiga beelaha.

Shacabka Somaliyeed ayuu xusay inaysan aqoon u lahayn nidaamkaas, taasina keentay inay qaataan shacab ku sugan maamullada Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug.

Hadalka siyaasiyiinta ayaa yimi kadib markii maanta uu baaqday shir ka socda Muqdishu oo looga hadlayay doorashada 2016.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM