Siyaasiyiin falanqeeynaya shirka Muqdishu [Dhagayso]

Image

14 December, 2015(GO)-Siyaasiyiin ku kala sugan saddexda maamul ee kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka hadlay shirka ka socda magalada Muqdishu ee looga hadlayo hiigsiga 2016.

Warbaahinta Radio Garowe ayaa saddexda siyaasi ee kala ah; Cali Xaaji Maxamed “Puntland”, Cabdiraxmaan Daqarre “Jubbaland” iyo Shiikh Cumar “Koonfur Galbeed Somalia” wax ka weydiisay fikradahooda ku aaddan kulamada Muqdishu, waxayna qabaan aragti midaysan oo ah in shacabka Somaliyeed dib loogu celin habka wax ku qaybsiga beelaha.

Cali Xaaji Maxamed, ayaa kulanka madaxda ee magalada Muqdishu ku sheegay mid aan macno badan samaynayn. Sababta dhaliishiisa ayuu ku sheegay in waxyaabaha ay kawada hadlayaan horay loo weydiiyay shacabka.

Doorashada sannadka dambe ayuu xusay in lagu saleeyo deegaan, laguna soo dhiso Xildhibaanada imaan doona.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Dakharre oo ah siyaasi ku sugan magalada Kismayo ayaa soo jeediyay inay haboontahay ka gudbidda qabaa'ilka doorashada dambena lagu saleeyo deegaan.

Nidaamka 4.5 ayuu ka soo horjeestay,wuxuuna ku tilmaamay inuusan shaqaynayn horayna loogu fashilmay. Labo hab midkood ayuu soo jeediyay kuwaasi oo kala ah; xisbi ama deegaan.

Dadka 4.5 u ololaynaya ayuu ku tilmaamay inay yihiin Qaran dumis.

Balse, Sheekh Cumar oo ku sugan magalada Baydhabo, ayaa soo dhaweeyay shirka Xamar, wuxuuna ka soo horjeestay qaadashada habka wax ku qaybsiga beelaha.

Shacabka Somaliyeed ayuu xusay inaysan aqoon u lahayn nidaamkaas, taasina keentay inay qaataan shacab ku sugan maamullada Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug.

Hadalka siyaasiyiinta ayaa yimi kadib markii maanta uu baaqday shir ka socda Muqdishu oo looga hadlayay doorashada 2016.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM