SOM OIL oo dalbatay in ay la kulanto Qramada Midoobey

Image

LONDON-Shirkadda Soma Oil and Gas, ayaa dooneysa inay la kulanto QM, si ay ugala hadasho eedeymaha loo soo jeediyey ee ku saabsan heshiisyadeeda Somalia.

Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhiggeedu yahay dalka UK, ayaa dooneysa inay la kulanto QM, si ay ugala hadasho eedeymaha loo soo jeediyey ee ku saabsan heshiisyadeeda Somalia.

Shirkaddan oo uu hogaamiyo madaxhii hore ee xisbiga muxaafidka Britain Michael Howard, ayaa codsatay inay la kulanto guddoomiyaha guddiga golaha ammaanka ee QM Rafael Dario Ramariez Carreno.

Waxaa shirkadda ay codsigan ku gudbisay warqad ay kusoo daabacday boggeeda internet-ka, oo ay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay wax ay ugu yeertay “fahamka qaldan ee QM ee ku aadan ganacsiga shidaalka iyo saaliidda”.

Soma Oil and Gas, waxay sidoo kale dooneysaa inay caddeyso wax ay ku sheegtay saameynta wanaagsan ee uu lee yahay heshiiska ay la galeen wasaaradda macdanta iyo kheyraadka ee Soomaaliya.​

Halkan ka dhageyso xildhibaan Shuuuriye oo la hadley VOA

VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM