Somali is qarxiyey oo ku nolaa dalka Switzerland

Image

BERN Jan 28, 2015 [GO]- Sirdoonka Switzerland ayaa baaraya ninkii toddobaadkii hore isku qarxiyey Hotelka SYL ee ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii hay'ada nabad sugida Somalia sheegeen inuu haystey aqoonsi Swizz ah.

Afhayeen u hadashay sirdoonka Switzerland Carolina Bohren ayaa u sheegtay AP, in ay qirayso in ninkaasi uu ka soo tegay dalkooda 2013-kii. Isla markaasna uu haystay deganaansho KMG ah iyo document dhinaca socdaalka ah.

Waxay beenisay inuu lahaa dhalashada Switzerland. Afhayeen Carolina Bohren waxay sheegtay in ay baaris kadib shaacin doonaan magaciisa iyo macluumaad kaleba.

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa Khamiistii shaacisay magaca ninka is qarxiyey oo ay ku sheegeen Maxamuud Cismaan Jicmaale, sirdoonku waxay xuseen inuu isagu waday gaariga qaraxa laga soo buuxiyey ee galay SYL oo ay joogeen wefdi horudhac ah oo Turkiga ah.

GAROWEONLINE/AP

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM